(August 18,2016) Dowladda Masar oo Mashaariic ka fulineysa Soomaaliya

Guddomiyaha   Guddiga arrimaha Afrika ee baarlamaanka  masar Major general Xaatim baashaat, ayaa sheegay in iskaasiga ka dhexeeya  dalalka  masar iyo Soomaliya  uu dib u dhac weyni gaaray,  marka loo  eego  daruufihii adkaa ee soomaaliya  ka jiray muddooyinkii  la soo dhaafay, laakiin hadda ay soomaaliya  ka jirto  fursad  dib loogu furayo  iskaashiga  qar kamid ah  hay’ada dowliga ah .

Generaal  Xaatim bashaat , waxaa uu tilmaamay in in ay jiraan 5  wasaaradood  oo masuul ka ah iskaashiga u dhaxeeya  masar iyo Somalia, sida wasaaradda caafimaadka, warbarashada   waraabka beerha  ,korontada iyo duulista rayidka,  sidaasi darteedna ay la meel dhigeen ra’isa wasaaraha dalka in uu la kulmo mid kasta oo kamid ah wasiirada wasaarada la soo tilmaamay.

Arrintani ayuu ku sheegay in looga gol leeyahay, siddii  si degdeg loogu bilaabi lahaa hirgelinta  mashaariicdaani, si loo hubiyo loona daaraaseeyo  qorshaha ay wasaarad kasta oo ay masar  mataleysa uga faa’iideyn karto  soomaliya.

Madaxa guddiga  arrimaha afrika ee baarlamaanka masar waxaa uu tilmaamay in  mashaariicda ay masar  ka fulineso soomliya ay ugu waaweynihiin  hirgelintta xarun koronto   tababarida  dhaqaatiir soomali ah.  hirgelinta isbitaal milateri iyo labada dugsi hoose horanata sisha soo socta ee  September.

sidoo kale waxaa uu xusay in  ay dhawdahay  furitaanka qadka duulimaadka tooska ah ee Mogadishu  iyo qaahira.

general Xaatim ayaa caddeeyay in ay  jiraan  arriimo  badan oo ay masar dadaal ugu jirto  siddii in ay  soomaliya ku xajisan  lahayd aqoonsigeedii    carbeed ,loogana soo dajin doono soomaliya barashutdka ay la kortay qadar iyo turkiga ee mashaaciida ay soomaliya ka wadaan ka taasi badalkeedana ay masar ay wax ka qaban doono dhamaan si qaanuuni ah .

soomaliya iyo masar ayuu xiriirkooda  iskaashigoodu uusan  caga  badan ku taagneyn, tan iyo wixii ka danbeeyay bur-burkii dowladdi dhex ee Soomaaliya .