(August 18,2016) Ugu yaraan lix qof oo ku dhintay 120 kale kalena ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay dalka Turkiga.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay in ka badan 120 kalena waa lagu dhaawacay laba qarax baabuur oo maanta ka dhacay meel u dhow saldhigyo boolis oo ku yaalla bariga dalka Turkiga.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay gobolka Van, halkaasi oo ay ku dhinteen sarkaal boolis iyo laba qof oo rayid ah, islamarkaana tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 20 sarkaal oo boolis ah.

Saacado kadib ayaa qarax baabuur oo kale waxa uu ka dhacay beerta saldhigga Elazig, kaasi oo dilay saddex qof, islamarkaana dhaawacay 100 kale.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, hase yeeshee mas’uuliyiinta Turkiga waxay ku eedeeyeen mintidiinta Kurdish-ka oo inta badan fuliya weerarada noocan oo kale ah.