(August 19,2016) Hayadda Unicef Oo War bixin kasoo Saartay Caruurta loo Adeegsado Askarta Oo kusii Badanaysa Dalka Koonfurta Suudaan

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in carruur badan uu dhalatay dalka Suudaanta Koonfureed la askaraynayo oo lagu biirinayo colaadda dalkaasi.

Justin Forsyth oo ah ku xigeenka agaasimaha fulinta ee hay’addani ayaa BBC-da u sheegay in ilaa 600 oo carruur ah la askareeyay tan iyo billowgii sanadkan.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha labada dhinac ee madaxweyne Salva Kiir iyo ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Riek Machar ay kordhiyeen askaraynta carruurta tan iyo bishii July ee sanadkan.

Mas’uulkan ayaa dhanka kale sheegay in nafaqadarro ba’an ay ka jirto dalkasi isla markaana deegaanada qaar ay halis ugu jiraan
macaluul.