(August 19,2016) Mo Farah oo la filayo in lagu sharfo abaalmarinta geesinimada ee Knighthood

Orodyahanka asalkiisu yahay Soomaali una orda dalka Britain ayaa la filayaa in la guddoonsiiyo abaalmarinta geesinimada ee Knighthood kadib markii uu ku guuleystey orodka 10,000 ee tartanka olombikada Rio 2016.

Inkastoo uu Mo Farah difaacday billadiisa dahabka ah ee 10,000m toddobaadkii hore ayaa la filayaa in Axada soo socota uu u tartamo orodka 5,000m.Si kasta ha ahaatee, 33 sano jirkan ayaa la filayaa in magaciisa la hordhigo guddiga ciyaaraha ee abaalmarintan haddii ay oggolaadan ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo abaalmarintan.
Guddigan ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee ah in la siiyo abaalmarintan ugu sareysa wadanka Britain balse waxaa ay u dhowdahay in lagu sharfo magaca geesinimada kaasoo marwalba magaciisa laga hormarin doono Sir Mo Farah.
Taariiq Kooban Ee Orodyahanka Mo Farah

Waxa uu ku dhashay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Mogadishu sannadkii 1983-kii, Magaciisa dhabta ah waa Maxamed Mukhtaar Jama Farah, waxa uu noqday Orodyahanka ugu weyn dalka Britain ee Masaafadda Dheer (UK’s greatest distance runner).

Orod-yahanka waxa uu haystaa Horyaalnimadda dalalka Europe ee Orodka 1,500 meter, 10,000 meter Orodka Marathonka badhkiisa iyo kan laba mayl. Waxa kale oo uu haystaa Diiwaan-gelinta Orodka Britain ee 5,000 oo meter iyo 3,000 meter.

Mo Farah waxa uu Billado Dahab ah ka helay Orodkii 5,000m iyo 10,000m ee Tartankii Olombikadda ee sannadkii 2012-ka iyo Horyaalka Orodka Caalamka ee sannadkan 2015-ka. Halyeey Mo Farah waxa kale oo uu ku guuleystay 5 Billadaha Dahabka ee Horyaalnimadda Orodka ee Qaaradda Europe. Waxa kale oo uu noqday Orod-yahanka Europe ee sannadihii 2011-kii iyo 2012-kii. Mo Farah waxa uu ku guuleystey billada dahabka ah ee tartanka Olombikada Rio 2016.