(August 19,2016) Ilhaan Cumar oo Xalay la siiyay Kalsoonida Murashaxnimada Xisbigeeda ee 2016-ka

Xisbiga Dimuriqaadiga ah ee Minnesota, ayaa xalay Kalsoonidii Musharraxnimo siiyay  ilhan Omar oo iyadu sagaalkii bishaan ku guulaysatay tartan ay wada galeen Phyllis Kahn iyo Mohamud Noor.

Ilhaan Omar ayaa si buuxda u noqotay musharaxa xisbigeeda u tartamaya bisha November ee 2016-ka, doorashada ka dhacaysa dalkaan maraykanaka iyadoo noqon doonta xildhibaanka kasoo galaya Baar-lamaanka aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Sidoo kale, Ilhaan ayaa sadaxdii tartan ee hore ay u soo martayba kaga guulaysatay musharaxiinta kale tiro aad u saraysa, taasna waatan ay xalay xisbigeedu ku siiyeen kalsoonidii  musharxnimo,

Cali Ciise oo loo yaqaan Cali Ganeey kana mida taageerayaasha ilhaan ayaa HOL u sheegay inay tani tahay farxad kale mar hadii aan helnay Kalsoonidii Xisbiga, iyadoo buu yiri Cali Ganey Maalmahaan  qaar ka mida Saaxafada xag jirka ah iyo shaqsiyaad ku caan noqotay isir nacaybka ay carqaladeen ku samanaynayeen guushii  Ilhaan ay ka gaartay doorashadii dhawaan dhacday waana Alle mahadii hadii aan ka gudubnay taas.

Dhanka kalena, Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Dimuriqaadiga ee Minnesota Ken Martin ayaa soo saaray waraaq wuu ku taageerayo musharxnimadda ilhaan Omar iyo musharaxiin kale oo xalay kalsoonidii Xisbiga helay.

Ugu dambyn, Ilhaan ayaa waji doonta tartan kama dambeysa ay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee la safan Doland Trump oo ah wiil Somali ah oo lagu magacaabo Cabdimalik Askar.