(August 19,2016) Midowga Afrika oo ka dalbaday Beesha Caalamka taageerida doorashooyinka Soomaaliya

Wakiilka gaarka ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa ugu baaqay Saaxiibada Soomaaliya ka qeyb qadashada doorashooyinka la filayo in dhawaan ay ka dhacaan Dalka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu sheegy qabsoomida doorashooyinka in aysan kaliya guul u aheyn Soomaaliya balse ay sidoo kale guul weyn u noqoneyso Ururka Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.

Mr. Madeira ayaa ku tilmaamay horumarada siyaasadeed ee Dalka laga sameeyay mid marag ah u ah dadaalada Beesha Caalamka ay u galeen xalinta dhibaatooyinka Dalka Soomaaliya.

Doorashooyinka dadban ayaa la filayaa in ay ka dhacaan Dalka Soomaaliya inta lagu guda jiro Sanadkan, waxaana la dooran doonaan Madaxweyne cusub oo 4 sano ee soo aadan hogaamiya talada Dalka Soomaaliya.