(August 20,2016) Dowladda Rwanda oo sheegtay inay dishay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Booliska Rwanda ayaa sheegay inay toogasho ku dileen saddex ruux oo argagixiso ah, magaalada Bugarama ee koofur galbeed dalkaas.

Saddexdan ruux ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kadib markii booliska ka war heleen inay qorsheynayeen inay weeraro geystaan.

Mid ka mid ah saddexda ruux ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo waqooyiga dalkaas Rwanda, isla markaana muddo sanad ka badan la la’aa.

Ciidamada Booliska Rwanda ayaa la sheegay inay muddo baadigoobayeen kooxaha, iyadoo heegan la geliyay ciidamada.

Dalka Rwanda ayaa waxaa soo maray dagaalo ku dhisnaa hab qabiil, sanadkii 1993 ayaa waxaa ku dhintay dagaaladaas dad ka badan nus milyan ruux.