(August 20,2016) Guddoomiyihii kooxda ololaha Trump Paul Manafort oo iscasilay

Guddoomiyaha kooxda ololaha murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ayaa iscasilay laba bilood un kaddib markii uu xilkaasi qabtay.

Paul Manafort, ayaa wajahayey cambaarayn ku aadan xiriirka uu la lahaa siyaasiin u dhashay Ruushka iyo madaxweynihii hore ee Ukraine,Viktor Yanukovych.

Wuu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyey, mana uusan sheegin sababta uu shaqada uga tagay.

Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay iscasilaadda Manafort. Ma sheegin faahfaahin intaa dheer.

Mr. Manafort wuxuu isku dayayey in uu ku qanciya Mr. Trump oo taageeradiisa ay hoos u sii dhacysay isbucyadii dhawaa in uu iska ilaaliya hadallada uu sida ka fiirsasho la’aanta ah u sheego.