(August 24,2016) Mucaaradka Suuriya oo sheegay inay qabsadeen Jarablus oo u dhow Turkiga

Taangiyada Turkiga ayaa ka gudbay xuduudda Suuriya iyagoo qaadaya weerar weyn oo ay ku riixayaan kooxda la baxday khilaafada ee IS.

Ciidamada gaarka oo weerarka horkacaya ayaa waxaa taageeraya diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu Mareykanka horkacayo.

Mucaaradka Suuriya ayaa weerarka ku biiray oo gacan siinaya Turkiga, waxaana lagu soo warramayaa inay qabsadeen tuulo ku dhow magaalada xadka ee Jarablus ee kooxda khilaafada ay haysatay.

Turkiguna waxay sheegayaan inaysan khilaafada kaliyah beegsaneynin ee ay ishana ku haynayaan Kurdida waqooyiga Suuriya ka hawgal