(August 25,2016) Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho -SAWIRO+VIDEO

Allaha u naxariistee Waxaa goordhaw xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho Aas heer Qaran ah loogu sameeyay Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar .

Aaska Marxuum Maxamed Cali Samatar waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaaliya , Guddoomiyaha Baarlamaanka , Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaaliya , Wasiiro, Xildhibaano , Saraakiil Ciidan iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka.

Kahor inta aanan la aasin Marxuum Gen Maxamed Cali Samatar ayaa Salaada Janaasada waxaa lagula dukaday Gudaha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana markii dambe lagu aasay qabuuro ku dhax yaala xarunta Wasaarada.

Amaanka Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay intii uu socday aaska Marxuum Maxamed Cali Samatar oo soo noqday Madaxweyne kuxigeenkii koowaad ee Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’isul Wasaare xiligii Dowladii Kacaanka, waxa uuna ahaa Sargaalkii ugu darajo sareeyay Ciidanka Soomaaliya