(August 25,2016) 8-jirkii Somaliga Sweden lagu qarxiyey oo la ogaaday sababta loo dilay!! (XOG & WARBIXIN MUHIIM AH)

Waxay mareysaa ganga in weeraraan ehelada iyo qaraabada ganga kale ee ay is-dagaalsan yahiin.

Dhacdadii isniintii uu wiilka sideed jir ah ku geeriyoodey kadib markii daaqada looga soo tuuray bomb-gacmeed guri uu jiifay waxay tuusale cad u tahay heerka faro ka baxa ah ee ay mareyso rabshada gacan ka hadalka ah ee u dhaxeeya kooxa ganga ah. Iyo weliba in kooxaha ganga ah aysan qadderin dadka kale ee aan waxba galabsan, dhibaatada ay wadaan na mar hore dhaaftay heerkii la aqbali karey, sidaas waxaa aamisan boliska iyo cilmi-baarayaasha.

Erik Siverbo waa madaxa waaxda boliska Göteborg u qaabilsan dabo-galka.

– Sida hadda wax ku socdaan waa mid welwel iyo walbahaar leh, xadkii loo adkeysan karey rabshadaha ganga mar horaa la dhaafay, ayuu yeri Erik Siverbo oo boliska Göteborg u qaabilsan dhanka sirdoonka.

Guriga lagu dilay wiilka sideed sanno jirka ah kadib markii daaqadda looga soo tuuray bomb-gacmeed waxa uu ciiwaan u ahaa oo ku qornaa shaqsi horey xabsi daa’im loogu xukumay oo ku luglahaa dhacdo labo qof lagu dilay sideed kalena lagu dhaacay oo horey uga dhacday magaaxi ku taala xaafaddan Biskopsgården.

Boliskana hadda dembi baaristooda waxay ka duuleysaa in weerarkan bombo gamaceed ee wiilkan yar lagu dilay uu salka ku hayo aargudasho. Dagaalka u dhaxeeyo kooxa gang ah ee ka jira xaafadda Biskopsgården waxaa jira tusaaleyaal badan oo cadeyn u ah in mar hore dhibaatadooda faraha ka baxday oo xadkii loo adkeysan lahaa la dhaafay. Tusaale xagaagii hore sidaan oo kale ayaa dagaalka u dhaxeeya qolyaha Ganga ah waxaa ku geeriyoodey gabar afar sanno jir ah kadib markii uu ku qarxay gaari lagu soo xiray waxlax qarax ah. Sidaan oo kalena isla xaagii hore guri ayaa lagu weeray qarax inkastoo nasiib wanaag cidna waxyeelo ka soo gaarin.

Rabshada qolyaha ganga u dhaxeeya oo hadda faraha ka sii baxaya ayaa hadana waxaa ku soo biiray qatar ay wajahayaan ehelada iyo qaraabada qolayahan ganga ah, taas oo boliska shaqadiisa sii adkeysay.

– Waa arrin ay tahay in aan isha ku heyno oo aan ka warqabno, ayuu yeri Erik Siverbo.

Waxii ka horeeyey weerarkii isniintii wiilka sideed jirka ah lagu dilay caadi ma aheyn in qolyahan ganga ah ee dagaalka u dhaxeeyo ay toos u weeraraan qaarabada dadka ay la dagaalsanyahiin. Lakiin warbaxin dhawaan ay soo saartay hey’adda ka hortagga rabshada (Brå) ayaa lagu sheegay in qolyaha ganga ah ay isku xabadeeyaan meelaha dadka ku badanyahiin taas oo tusaale cad u ah in ay habo yaraatee wax qadderin ah u heynin nolshada dadka aan waxbo ka galabsan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay weerarka lagu dilay wiilka sideed jirka ahaa iyadoo boliska uu ugu baaqayo dadka xaafadda ku nool in ay ku gacan siiyaan baaritaanka lagu raado joogo cida ka dembeysay weerarkan waxooshnimada ah ee lagu dilay ilmo yar oo aan waxba galabsan.

Ilmahan yar ee aan waxba galabsan ee la dilay waxay kalifi kartaa in dad badan ay soo baxaan oo ku marqaati furaan qolyaha ganga ah ee la wareegay xaafadda Biskapsgården, sidaas waxaa aaminsan Daniel Vesterhav oo ka howl-gala hey’adda ka hortagga dembiyada BRÅ.

– Midda falkaank uu uga duwan yahay waxay tahay in ilmo yar lagu dilay. Waxaa jira tusaale horey u dhacay oo ah markii dadka arkaan dad waxbo galabsan oo lagu dilo rabshada ganga u dhaxeeya in makas dadka bilaabaan boliska in ay la shaqeeyaan oo furta ku muuqaan dhib wadayaash.