(August 25,2016) Tirada dhimashada ee dhul gariirkii Talyaaniga oo sii kordhaysa gaadhayna 250 dhimasha

Tirada dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay bartamaha Talyaaniga ayaa la ogyahay inay subaxnimada Arbacada marayso 250. Dhul gariirka ayaa burburiyey seddex magaalo oo kala ah Amatrice, Accumoli iyo Pescara del Tronto.

 Kooxaha samata bixinta ayaa tan iyo xalay baadi goob ugu jiray dad masiibada ka badbaaday, waxaana mar hawshooda yara hakiyey dhul ruxan xoog leh, oo kaga gariiriyey dhismeyaal dhaawacyo qabay. Dhulkaas mashaqadu ka dhacday oo buuraley ah ayaa ku dhereran seddex gobol oo kala ah Umbria, Lazio iyo Marche.

Ubucda dhul gariirka ayaa ahayd meel u dhow Norcia oo 170 waqooyiga galbeed ka xigta magaalada caasimadda ee Roma. Teendhooyin ayaa la taagay si meelo ay galaan loogu sameeyo dadka hoy la’aantu ku dhacday.