(August 25,2016) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Axmad Nuur Tarsan oo maanta ku dhawaaqaya Musharax Madaxweyne

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta la filayaa inuu magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer ayaa horay u furtay Xisbi siyaasadeed la magac baxay Xisbiga Cadaalada iyo Bulshada, kadib markii laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Qaban qaabada Xaflada uu musharaxnimada ugaga dhawaaqayo ayaa ka socota mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tarsan ayaa ku soo biiraya musharaxiin dhowr ah oo horay uga dhawaaqday ololahooda musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa horay ololahooda musharaxnimo ku dhawaaqay C/naasir Cabdulle Maxamed oo ka yimid dalka Mareykanka, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo horay Wasiir u soo noqday, kana mid ahaa musharaxiintii 2012 ee aaqirkii markii doorashada bilaabatay is casilay iyo xubno kale oo la hadal haayo musharaxnimadooda, balse aanay wali ku dhawaaqin.

Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh maxamuud ayaa horay u shaaciyay inuu musharax yahay, isla markaana uu doonayo inuu mar kale xilka qabto.

Si kastaba ha ahaatee dhamaadka bisha October ayaa la filayaa inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo la saadaalinayo in musharaxiinta u tartameysa xilkaas ay gaari doonaan illaa labaatameeyo.