(August 25,2016) Wasiir Hadliye “Soomaaliya kuma jirto wadamada Ciidamada u diraya Koofurta Sudan”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa meesha ka saaray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Soomaaliya ka mid tahay wadamada ciidamada u diraya dalka Koofurta Sudan.

Dalka ugu yar Caalamka ayaa wajahaya xasilooni daro iyo xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay colaadaha ka taagan dalkaas.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in aan ciidan Soomaaliyeed loo direyn dalka Koofurta Sudan.

“Ciidankeenu kuma jiro ciidamada loo dirayo Koofurta Sudan, waxaa jiri doona ciidamo ka socda Itoobiya, Uganda iyo kuwa kale oo loo diri doono”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Shir aan caadi aheyn oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ku yeesheen bishan gudaheeda magaalada Addis Ababa ayay uga hadleen xaalada Koofurta Sudan iyo qorshaha ciidamo nabad ilaalin loogu dirayo dalkaas, si ay u soo celiyaan xasiloonida.

Koofurta Sudan ayaa waxaa ka jiray dagaalo sokeeye oo bilowday dhamaadkii sanadkii 2013, kadib afgambi dhicisoobay oo la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Salva Kiir.

Bishii la soo dhaafay ee July ayaa waxaa magaalada Jubba ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha Sudan Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Reik Machar oo hada ku sugan magaalada Khartoum ee dalka Sudan.