(August 28,2016) Dawladda Jarmalka OO rajaynaysa in ay soo gaaraan qaxooti gaaraya 300,000 sanadkan gudahiisa

Dawladda Jermalka ayaa rajaynaysa in dalkooda ay soo gaaraan qaxooti gaaraya 300,000 sanadkan gudahiisa sida uu sheegay xafiiska federaalka u qaabilsan soo galootiga iyo qaxootiga.

 Frank-Juergen Weise ayaa u sheegay wargayska Bild am Sonnntag in xafiisku uu la daalaa dhici doono xal u helida haddii dad cusub ay soo galaan dalka.

Laakiin wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in tirada dadka cusub ee imanaya ay ku ekaan doonaan qiyaastooda.

 In ka badan hal milyan oo soo galooti ah ayaa gaaray dalka Jermalka sanadkii hore, kuwaas oo ka kala yimid Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jermalka ayaa sheegtay in ay 390,000 oo ruux ay magangalyo waydiisteen lixdii bilood ee hore ee sanadkan. Laakiin lama hubo inta qof ee dalka soo galay 2015 laakiin magangalyada waydiistay sanadkan horaantiisii.

Weise ayaa sheegay in Jermalku uu isku dayi doono in shaqo la siiyo intii loo awoodaba, balse wuxuu sheegay in dhexgalka dadka Jermalka ah ay qaadan doonto wakhti dheer ayna wax badan ku kici doonto arrintaasi.