(August 28,2016) Ciidamada Turkiga oo hal askari looga dilay gudaha Suuriya – SAWIRO

A Turkish army convoy drive from the border back to their base in Karkamis on the Turkish-Syrian border in the southeastern Gaziantep province, Turkey, August 27, 2016. REUTERS/Umit Bektas

Dawladda Turkiga ayaa askarigii ugu horeeyay lagaga dilay gudaha Suuriya iyada oo ay sii balaariyeen ol’olohooda waqooyiga Suuriya sida uu millatarigu sheegay.

 Askari ayaa dhintay kaddib markii dagaalyahanno Kurdiyiin ah ay rasaas ku fureen Taangiyada Turkiga.

Warbaahinta Kurdiyiintu waxay tabinaysaa in saddex taangi la burburiyay.

Gawaarida qafilan ee ciidammada Ciraaq ayaa ka talaabay todobaadkan horaantiisii, hawlgalkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagula dagaalamo kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka laakiin waxaa sidoo kale ku jira ciidammada kurdiyiinta ah ee aagaas jooga.

Dhanka kalana dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Suuriya waxay sheegeen in ugu yaraan 15 ruux ay ku dhinteen foosto bam ahaan loo adeegsaday oo lagu weeraray magaalada Xalab.

Sabtidii weerar ayaa dhexmaray taangiyada dawladda Turkiga iyo dagaalyahanada Kurdiyiinta ah, dagaalkaasi wuxuu ka dhacay agagaarka Jarablus oo ah magaalo xadka ku taala oo Turkidu ay gacan ka gaysteen in jabhadaha Suuriya ay dib uga qabsadaan Dawladda Islaamka Arbacadii.

Diyaaradaha Turkida ayaa duqeeyay fadhiisimo ku yaalla koonfurta magaaladaas.

Saddex kale oo ka mid ah ciidammada Turkiga ayaa ku dhaawacmay iska horimaadyo ay kala kulmeen dagaalyahanada Kurdiyiinta ah.

 

Men inspect a damaged site after double airstrikes on the rebel held Bab al-Nairab neighborhood of Aleppo, Syria, August 27, 2016. REUTERS/Abdalrhman Ismail

 

A Turkish army convoy drive from the border back to their base in Karkamis on the Turkish-Syrian border in the southeastern Gaziantep province, Turkey, August 27, 2016. REUTERS/Umit Bektas

 

A Turkish soldier on an armoured personnel carrier waves as they drive from the border back to their base in Karkamis on the Turkish-Syrian border in the southeastern Gaziantep province, Turkey, August 27, 2016. REUTERS/Umit Bektas

Men inspect a damaged site after double airstrikes on the rebel held Bab al-Nairab neighborhood of Aleppo, Syria, August 27, 2016. REUTERS/Abdalrhman Ismail