(August 28,2016) Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo todobaadkan dib u furmaya

Waxaa ka socda Muqdisho iyo Jowhar qaban qaabadii u dambeysay ee dib loogu furayo shirkii maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo muddo 8 bilood hakad ku jiray.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow maamulka Shabeellaha Dhexe ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in shirka maamul u sameynta uu Talaadada soo socota uu dib u bilaaban doono.

Wararka ayaa sheegaya in Ergooyin ka kala socota labada gobol ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in Muqdisho laga daad-gureeyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada gobol.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in magaalada laga dareemayo qaban qaabada shirka maamul u sameynta labada gobol, iyadoo maalinta berri ay tagi doonaan wafdi horu dhac ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dib u furo shirkan, kadib markii uu bishii Janaayo uu shirka si rasmi ah u furmay, balse caqabado ka hor-yimid habsami u socodka shirka u hakaday.

Shirka Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa mudadii uu hakadka ku jiray waxaa la sameeyay dadaalo dib loogu bilaabi lahaa, waxaana dowladda Soomaaliya iyo IGAD ay ku guuldareysteen in odayaasha uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ku qanciyaan inay shirka Jowhar tagaan, balse ay ka biya diideen.

Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu qorshuhu yahay in la dhiso ka hor inta aan la gaarin doorashada, waxaana la filayaa in la dedejiyo dhismaha maamulkan oo Madaxweynaha uu yeelanayo ay dooran doonaan Ergooyin, bedelkii Xildhibaano ay soo dooran lahaayeen, maadaama waqtiga yahay mid aad u yar.