(August 29,2016) Shirkadaha dalalka Jabaan iyo Afrika oo magaalada Nayroobi ku kala saxiixday 73 heshiis

Shirkadaha  Dalalka Jabaan iyo Afrika ayaa magaalada Nayrobi ku kala saxiixday 73 heshiis Ganacsi, ujeedka heshiiskaasina waxa u yahay in la dardargeliyo in Shirkadaha Afrika ay ka kaaftoomaan alabooyinka  ay dibadda ka keensadaan oo loogu sameeyo gudaha dalalkooda.

Heshiiska oo ay  labada Geesoosd wada gaareen ayaa ah markii ugu horeysay ka dhaca dhulka Qaaradda Afrika,waxaana ku baxayaa $ 30 bilyan, oo 10 bilyan ka mid ah lagu fulinayo dhismaha asaaska ah ee mashaaricda Jabn ka hirgelinayso Afrika , waxayna lacagahaasi ay Dawladda Jabaan soo marinaysaa Bangiga horumarinta Afrika.

Sida ay sheegtay Wakaladda Wararka Turkiga ANADOL,  Heshiiska ay wada saxiixdeen Shirkadaha Afrika iyo kuwa Jabaan ayaa  loogu magacdaray Shirweynaha Tokiyo ee Horumarinta Afrika(TIGAD) wuxuuna ka kooban yahay horumarinta Arrimaha Ganacsiga, Tenaloojiyada,degaanka, Tacliinta Caafimaadka,Beeraha,Macdanta ,Isgaarsiinta  iyo Tamarta.

Dhinca Jabaan waxaa heshiiskaasi uga qeyb galay 22 Shirkadood oo waaweyn iyo mu’asasaad kale, halka Qaaradda Afrikana ay u matalayeen dhawor Shirkadood.

Shirweyne kan ka  horeeyay oo lagu qabtay Xarunta dalka Jabaan ee Tokiyo Sanadkii 2013kii , ayaa waxa ay Jabaan uga ballan qaaday Afrika muddo 5 Sano gudahooda  lacag dhan$ 30 bilyan.