(August 30,2016) Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday lagu tayaynto waxbarashada.

Saxiixa hashiiskan Dowladda mareekanka ay Soomaaliya uga taageeyrayso tayaynta waxbarashada iyadoo u soo marayso Hay’ada hormarinta caalamiga ah ee USAID waxa goob joog ka ahaa Wasiirada Waxbarashada, qorsheynta iyo maaliyada Soomaaliya halka mareekankuna ay joogeen Safiirka cusub ee Mareekanka u fadhiya soomaaliya iyo madax kqa socotay Hay’ada USAID.

Safirka mareekanka Stephen Schwartz iyo kaaliyaha dhinaca maamulka afrika ee hay’ada USAID Linda Etim ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruucan muhiimadiisu ay tahay kobcinta waxbarshada jiilka Soomaaliyeed ayna ku baxayso 64 milyan oo doolar kan ugu horeeya oo ay ku baxayso 17 milyan oo doolarna maanta la saxiixay.

Wasiirka waxbararashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucan Dowladda Mareekanka ay ku taageerayso waxbarashada Soomaaliya.

”Hashiiskan waa u muhiim waxbarashada Soomaaliya dadaalo badan ayaana ku bixinay waan u mahad celinayna Hay’ada USAID oo taageerayso waxaana rajaynay inuu wax badan ka badalo ol olihiihi aan ugu jirnay Soocelinta tayada waxbarashada Soomaaliya” ayuu yiri wasir c/qadir.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan Shiiq Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in hashiiskan uu muhiim yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heleyn waxbarasho lacag la’aan.

”waan ku faraxsanahay mashruucaan muhiim u ah waxbarashada Jiilka Soomaaliyeed waxaan u mahad celinaynaa hay’ada USAId iyo dowladda mareekanka waxaan kaga faaidaysan doonaa sidii waxbarasho lacag la’aan ah ay u heli lahaayeen caruurta SOomaaliyeed” ayuu yiri wasir fargeti.

Tayada waxbarashada Soomaaliya ayaa hos u dhacday tan iyo burburkii dowladii dhexe 1991 waxaana dowlada federaalka ay hada ku howlan tahay soo celinta tayadii waxbarashada uu muhiim u ah nolosha aadanaha