(August 30,2016) Raysul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho – VIDEO

Somalia's Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015. Somali and African forces aim to drive al Shabaab Islamist militants out of one of the last major tracts of territory in southern Somalia that the group still holds and which it uses to launch attacks, Sharmarke said on Thursday. To match Interview SOMALIA-KENYA/ REUTERS/Noor Khamis - RTX1A0A0

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.

 

Mudane Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas aysan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas.

Raysal wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.

” Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Raysal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.

Raysal Wasaaraha ayaa boggaadiyey Ciidamadda Amniga oo is hortaag ku sameeyey, kana hor tagay in cadowgu si fudud ku soo gaaro bartilmaameedkooda.

“Weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxada Al-shabaab in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa”.


Faafin Horseed Media