(August 30,2016) Puntland oo soo bandhigay Magacyada iyo Beelaha Kooxihii fuliyay Qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacay

Puntland, ayaa maanta soo Bandhigtay magacyada iyo Beelaha Kooxihii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha Ammaanka Puntland in inay soo qab-qabtaan dhagar-qabayaasha ka tirsan Al-shabaab ee geystay falkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay hanti tiro badan ku burburtay, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, iyadoo dadka geystay lasoo bandhigay magacyadooda.

Haddaba dadka lasoo bandhgay magacyadooda waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sanno jir. ,Ku dhashay Gaalkacyo.una dhashay Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.
  2. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa: 45 sanno jir. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo Dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
  3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf, Ku dhashay: Gobolka Mudug. Beeshiisa: Dir/ Qubeys.
  4. Cabdishakuur Mire. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.
  5. Muxiyadiin Dakharre. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale, Waxaanu warbixinta lagu soo gudbiyay a magaca dhagar-qabihii isku qarxiyey xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo 21-kii Agoosto, 2016-ka, kaasoo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa; C/llaahi Fanax, Da’diisa: 22 Sanno jir. Ku dhashay Ceel-waaq , Beeshiisa: Marreexaan/ Uur-midig