(August 30,2016) War deg-dega: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Hotelka SYL oo Madaxtooyada ka soo horjeeda Muqdisho – SAWIRO

ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay in kabadan toban kalana wey ku dhaawacmeen qarax xooggan oo barqanimadii manta lagu weeraray Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhinta ayaa la sheegay in ay isugu jiraan shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Illaa iyo hada qasaaraha rasmiga ah lama oga wallow xilliga uu qara dhacaayay uu aad mashquul u ahaa hotelka iyo wada.

Sidoo kale dad ku jiray gudaha Hotelka SYL ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Qaraxa kadib rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Dowladda ayaa xigtay, hada waxaa goobta ku sugan ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid, Boolis iyo Millateri isugu jira.

la soco warkaan wixii ku soo kordha.

01
02
03
04
06
07
08
18
15
17