(August 30,2016) Qariirad ku saabsan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo saaray

Urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inuu soo bandhigo dhowaan qorshaha lagu dhisayo maamul ay ku mideysan yihiin gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Qoraal si hordhac ay u heshay Jowhar.com ayaa waxaa ku qoran qariirada loo marayo dhismaha maamulka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan oo muddo dheer soo jiitamayay.

Qorshahan ayaa waxaa uu yahay in la dhiso maamul kumeel-gaar ah, ka hor 25-ka bisha September, iyadoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka ay soo dooranayaan Xildhibaano.

“Waxaa ku kulmay magaalada Muqdisho oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan gaar ahaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo midkiiba ay ka socdeen afartan ruux 25-kii Augost, iyagoo isku raacay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.”ayaa lagu sheegay qoraalkan.

Xafiiska fududeynta IGAD ayaa sheegay inay ku talinayaan in la sameeyo guddi sare oo wadajir ah, kaasoo fududeynaya howlaha shirka ee maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Guddigan ayaa lagu taliyay inuu ka koobnaado Dowlada Federalka, Urur Goboleedka IGAD,Qaramada Midoobay,AMISOM iyo wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka.

Qorshaha qariirada ee maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxaa ugu muhiimsan in la soo xulo  oday dhaqameedyada shirka iyo in guddi farsamo la dhiso.

Sidoo kale qariirada ayaa waxaa ka mid ah in laga hadlo awood qeybsiga iyo doorka haweenka ay ku leeyihiin maamulka iyo weliba guddi dhexdhexaadin.

Hirgelinta shirka ayaa waxaa doorka ugu weyn leh urur goboleedka IGAD halka ay hore shirka Wasaarada arrimaha gudaha ay horboodeysay.

Qariirada ayaa ku cad in la soo xulo ergo kadibna la dhiso Baarlamaanka oo dooran doono Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddo 8 bilood hakad ku jiray, kadib markii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diideen inay ka qeyb galaan shirka, hase ahaatee go’aanadii bishan laga soo saaray shirkii Madasha ayaa lagu go’aamiyay in maamulkaas la dhiso ka hor doorashada.