(August 30,2016) Maamulka Jubaland oo bilaabay inay joojiyaan qaabilaada qaxootiga ka imanaya xeryaha Dhadhaab

Maamul goboleedka Jubaland ayaa joojiyay qaabilaada qaxootiga Soomaalida ah ee laga soo celinayay xeryaha ku yaala gobolka woqoyi bari Kenya ee Dhadhaab.


Joojintan ayuu maamulku u sababeeyey, kadib markii sida ay sheegeen looga baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.

Maamulka ayaa sheegay inay Qaxootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley, aysanna u ogolaan doonin inay halkaas ka soo gudbaan.
Wasiirka amniga maamulka Juballand Max’ed Warsame Darwiish ayaa sheegay in heshiiskii saddex gooseedka ah ay wada galeen Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ee dhigayey in qaxootiga la soo celinayo ay helaan xuquuqda aasaasiga, marka dalka Soomaaliya la keeno.
Wuxuuna yiri mas’uulka “Anaga Juballand ahaan waxaa nalaga codsaday xiligaas inaan diyaarino dhulkii la dejin lahaa qaxootiga waana diyaarinay, Kismaayo waxaa soo gashay qaxooti ka badan 15 kun, degmada Luuq waxaa tagtay ku dhowaad kun kale, dadkaas wax qorshe ah oo loogu talo galay waxaa ka jira in qofkiiba la siiyo $200 ka dibna suuqa iska celi la yiraahdo, horey baan afartan kun u heynay haatana 250 kun baa ku soo socota, wax loo diyaariyey ma jirto dadkan iskuulo ma leh, isbitaalo ma leh shaqo ma leh, maxaa diidaya wiilasha la soo celiyey iney badda ku dhamaadaan oo ay tahriibaan ama iney Al-shabaab ku biiraan”
Wasiirka ayaa sheegay iney dalbanayaan in dadkan loo sameeyo mustaqbal wanaagsan loona sameeyo adeegyadii bulshada sida iskuulo, biyo, caafimaad taasoo uu sheegay in horey loogu heshiiyey, balse looga baxay