Baadariga kaatooliga Bob Franciskus oo booqasho rasmiya ku jooga Sweden.

Maanta oo isniin ah ayuu booqasho ku yimid dalka Sweden wadaadka ugu sarreeya madhabta katoolikada.

Waxuu ka soo degay garoonka dayuuradaha magaalada Malmö, halkas oo uu ku soo dhaweeyey ra’iisalwasaare Stefan Löfven.

Boliska ayaa adkeeyey amaanka goobaha uu booqqan doono bob Franciskus. Magalaada Lunda oo ka mid ah goobaha uu booqan doono ayaa guudahaan bartamaha magaalada laga xanibay gaadiidka.

Bob Franciskus ayaa ku sugnaan doona dalka Sweden illaa iyo berito.

Bobka waxuu sidoo kale ka qayb-gali doonaa isku soo bax weyn oo lagu qaban doono garoonka ciyaaraha Malmö Arena.