Baafin Shacabka Reer Awdal Ayaa Baafinaya Gudoomiyihii Gobolka Awdal Oo Dad Markii Ugu Dambaysayna Hadal Hayey Xaalada Laga Soo Sheegayo Suldaan Wabar…..

Isku Shaandhayntii Ugu Dambaysay Ee Uu Sameeyo Axmed Siilaanyo Waxaa ay Sababtay in Ay Galaafato Gudoomiyihii Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Kaasi Oo Loo Badalay Maamulka Gobolka Togdheer halka Gobolka Awdal na Loo Soo Badalay Gudoomiyihii Gobolka Sool Mustafe Cabdi Shiine.

Sideedaba Masuul kasta Oo Ah Bini Aadmi looma Waayo Wax Dhaliil ah Masuuliyiintii Horay U Soo Maray Gobolka Awdal Dhamaantoobada Waxaa ay Ahaayeen Masuuliyiin ku Haftay Habmaamulka Gobolka Awdal Halka Qaarkood aad moodayba Habdhaqankooda Ganacsato iyo Dilaaliin.

Gudoomiyahani Cusub Ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine Waxaa uu gabi ahaanba Baal Maray Dhamaanba Dhabadii Masuuliyiintii ka soo horeeyey inkastoo wararka Qaar ay sheegayaan in uuna ku faraxsanayn Xilka Gobolka Awdal sababa u gaara awaadeed hadana Waxaa Badan Marka La Is Barbar Dhigo Inta Uu Gobolka Joogo Iyo Inta Uu Maqan yahay Waxaa Badan Maqnaan Shihiisa,

Sida Caadada ah Waxaa uu Xafiiskiisu Furan Yahay laga Bilaabo 9 Subaxnimo ilaa 11:00 Subaxnimo kama muuqdo Goobaha Lagu Qaxweeye Ee Waxaa uu Dib Ugu Laabtaa Hoyga Uu Ka Dagan Yahay Gobolka Awdal inta uu Xafiiska Fadhiyana Waxaa Ka Muuqda Daal iyo Caajis Fara Badan Waxaade Moodaana In AY DHibayaan Hadalka iyo Jawaabaha Uu Bixinayo.

Guud ahaana Waxaana Iska Daadifeeyaa In Xaalada Gobolka Awdal warbaahinta wax warbixin ah ka siiyo Inta Uu Joogana Wali xafiiskiisa wax kulan ah kulama Yeelan Masuuliyiinta Xafiisyada Laamaha Dawlada Ee Gobolka Awdal. Gudoomiye Mustafe Saxiibkii Ramaax Kalama Wareegin Wax Gaadiid Gobolka Ah Taasi Badalkeedana Waxaa ku Macasalaameeyey Gaadiidkii Gobolka Yalay Isaga Oo Dalbaday in Ku Cusub La Keeno Halka KIi uu kala Imiday Gobolka Soolna Ku Sheegtay Gaadhi Gaar uu u leeyahay.

Goobaha Bulushadu ay ku Kulanto Ee Magaalada Borama Ayaa Siweyn Loogu Hadal Hayaa Habdhaqanka Maamul Ee Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ku maamulo Xafiiskiisa.

Waxaana inta badan Warbaahinta Uu Ka Soo Muuqdaa Maalmaha Weftiyo Gobolka Ay Joogaan iyo Marka ay dhacaan Aasas ay ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin ka Soo Jeeda Gobolka Awdal SIda Aaskii Shalay Saylici Imiday,

Sii dhaweeyaha Iyo Soo Dhaweeyaha Weftiyada Borama Imanaya,

Iftiinka U Bakhtiiyaha Dawladnimadii Gobolka Awdal.

XIdhidhiyaha Xafiiska Madhan iyo Madaxtooyada Hargeisa.

Hadal Ma Deeqsiiyaha Inta Xafiiska Gobolka Muraadka U Leh

Kuma Nagaadaha Xafiiskiisa Kana Doorbidaha Jidka Hargeisa iyo Borama.

Intuba Waa Magacyada Shacabka Uu Kursiga ugu Sareeya Ee Gobolka Awdal ugu Fadhiyo In Uu Ku Maamulo ay ugaga Yeedhaan Goobaha Bulushadu Ku Kulanto.

Mudo Dheer ka dib Gudoomiyaha Gobolka Awdal Oo Ayna Shacabku Indha Saarin Waxaa Uu Shalay Ka Soo muuqday Baraha Warbaahinta Isaga Oo Tacsi Diraya.

Inkastoo Shacabka Reer Awdal Ay Baafinayeen Gudoomiyaha Gobolka Awdal Waqtigaasi Oo Ay Ugu War  Cidii La Joogtay Isaga Oo Ka Sheekaynaya Sidii Ay Wax U Dhaceen Habeenkii Kooxda Wabar ay Soo Galeen Magaalada Oo Uu ku Sugnaa Magaalada.

Camuudnews.com