AMISOM oo Qiratay in 25-Neef oo Geel ah ay ku dishay Shabeellaha Hoose

Afhayeenka AMISOM oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen 25-Neef oo Geel ah 4-kalana ay dhaawaceen, xili uu socday dagaal ay kula jireen Al-Shabaab shalay.

Joe Kibet ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Wareer-maleh oo u dhow magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay Hub Culus, Xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

SONNA ayaa waydiisay Kibet inuu jiro khasaaro soo gaaray dadka rayid ah ee ka akdhowaa halka uu dagaalka ka dhacay, laakiin meesha kama uusan saarin arintaas, wuxuuna sheegay inay suurta galtay maadaama dagaalku uu socday mudo.

Ugu Danbayntii wuxuu sheegay Afhayeenka AMISOM inuu haatan socdo kulan ay la leeyihiin maamulka deegaanka iyo sidoo kale dadkii xoolaha lahaa ayna kala xoojoonayaan waxa dhacay.