Booliska Masar oo toogtey laba nin oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiin

Labada la diley, mid kamid ah ayaa ahaa Maxamed Kamaal, kaas oo kamid ahaa hoggaamiyaasha ururka Masar ay mamnuucdey, sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegtey in Maxamed Kamaal uu ahaa hoggaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka, laakiin waxaa diiidey oo beeniyey ururka Ikhwaanul Musliim oo sheegay in aysan lahayn garab hubeysan.

Dilka Kamal iyo ninka kale ee la diley oo lagu magacaabo Yasser Shehata ayaa yimid kadib markii Booliska ay rasaas is-weydaarsadeen, baaritaan Boolisku ku hayey meel ay ku dhuumanayeen.

Sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar labada ninba waxaa horey loogu xukumey xabsi daa’in iyaga oo baxsad ahaa, kadib markii ay hoggaamiyeen koox hubeysan, oo ay weerar ka geystey xarun Boolisku ku lahaayeen Koonfurta Masar.