Madaxweynaha FIFA ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo 48 dal ay kaga qeyb galaan Koobka Adduunka

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo uu ku doonayo in 48 dal laga dhigo kooxaha ka qeyb galaya tartamada koobka ciyaaraha kubadda cagta ee dunida.

Markii hore, wuxuu doonayay in ilaa iyo 40 kooxood laga dhigo, laakiin waxa uu hadda sheegayaa in tiro intaa ka badan ay haboon tahay.

Sida uu xusay, 46-sano jirkan u dhashay Taliyaaniga, 16 kooxood waa inay ku haraan wareegga koobaad ee isreeb-reebka.

“Qeybaha kale ee tartankana waa inay noqdaan sida hadda ay yihiin oo 32 kooxood ay ka qeyb galaan.”

Infantino ayaa intaasi ku daray in go’aanka ballaarinta la gaari doono bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

“Kuwani waa fikrado lagu raadinayo talada ugu wanaagsan,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray “waxaan ka doodi doonnaa bishan, go’aankana wuxuu soo bixi donaa 2017-ka”,

Infantino ayaa maamulka xiriirka Kubadda Cagta ee dunida ee FIFA la wareegay bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxyaabaha loo xushay hogaankiisa waxaa ka mid ah ballaarinta kooxaha ka qeyb gala ciyaaraha kubadda cagta ee dunida oo uu doonayay in 40 la gaarsiiyo.

“Waxaan ula jeedaa, waa inaan sidii hore ee caadiga ahayd raacnaa oo 32 kooxood ah, laakiin waa in 48 kooxood ay qeybta hore ee tartanka ka qeyb galaan”,

“Aragtida FIFA waa in ciyaaraha kubadda cagta ee dunida la hormariyo. Koobka dunida waa tartanka ugu weyn, tartan mid ku kooban ma ahan oo wuu ka ballaaran yahay oo waa munaasabad is dhexgal bulsho,” ayuu yiri Infantino.