Cabdulaahi Xaashi Nuur oo sheegayna in uu adeer u yahay Madaxweynaha Maamulka Siilaanyo oo ay heesato duruuf adag oo dhanka Nolosha ah – VIDEO

Nin Oday ah oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xaashi Nuur sheegayna in uu adeer u yahay Madaxweynaha Maamulka Somalilamd Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxaa heesata duruuf adag oo dhanka Nolosha ah.

Cabdulaahi Xaashi Nuur, oo ah waayeel indhaha beelay ayaa kunool xaafad kutaala magaalada Berbera, waxa uuna Odaygan ku dhax nool yahay guri ka sameesan baakado, waxa uuna sheegay in xaalada adag oo dhanka nolosha ah ay heesato.

Odaygan ayaa xusay in uu adeer labaad u yahay Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale uu yahay ninkii u bixiyay magaca Siilaanyo isaga oo yar, waxa uuna tilmaamay in labo wiil uu dhalay uu Siilaanyo dagaal galiyay lagana dilay, isagoona intaa raaciyay marar badan uu isku dayay in uu la kulmo balse loo diiday in uu arko Siilaanyo uu adeer u yahay.