Suuqa Islii oo dib loo furay iyo waratadii oo cabasho keenay

Ayadoo shalay mar kale dib loo furay suuqa xaafada Islii ee Nairobi ayaa waratada oo amar lagu siiyay in meelihii ay ku ganacsan jireen aysan ku ganacsan ayaa waxaa waratadu arinkaa ka keeneen cabasho.

Waratada ayaa waxaa markii hore ka cawday dukaanleyda oo ayagu sheegay inay suuqa ka xiraan, hortooda ay alaabo la fariistaan isla markaana ay zaxmad keenaan. Waxay warataduse sheegayaan in quutul yoowmkooda ay ka raadsadaan meel kale oo ay ka ganacsadaana aysan heysan.

Waxay sheegeen in alaabada ay gadaan ay marka hore si jimlo ah uga soo gadaan dukaanleyda qudhooda.

Suuq ay lahaan jireen ayaa ay ku andacoonayaan in dad tujaar ah ay lacag badan ku iibsadeen oo ayaguna suuq la’aan ay sidaa ku noqdeen.

Dawlada ayaa boolis soo dhoobtay xaafada Islii maalmihii lasoo dhaafay booliska oo kala eryay waratadii.

Waratada ayaa codsaday in dhibaatooyinka ay qabaan dawladu wax ka qabato.