Ciidamada Dowlada Liibiya iyo maleeshiyaadka gacanta siinaya oo la wareegay xaruntii Madaxtooyada ee magaalada Sirte

Xoogagga daacadda u ah dowladda Liibiya ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxda khilaafada islaamka ay ka qabsadeen xaruntooda ku taala magaalada Sirte.

Ciidamadan oo ay hoggaaminayaan dagaalyahanno ka soo jeeda magaalada dersika ah ee Misrata ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay gebi ahaanba ay la wareegeen xarunta kooxdaasi iyo sidoo kale cusbitalka ugu weyn magaaladaasi Sirte balse dagaalyahanno ka tirsan kooxda Khilaafada Islaamka ay wali ku sugan yihiin xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Magaaladani ayaa waxaa aad ugu xooganaa mintidiinta kooxdani ee dalka Liibiya.

Horumarka ay dagaalka ka gaareen ciidamadani dowladda taabacsan ayaa wax aka caawiyay duqeymo mareykanka uu halkaasi ka geysanayay kaddib codsi uga yimid dowladda taageerada ka haysata Qaramada Midoobey.