Ciidamada Galmudug oo xoog kusoo furtay Gabar Ajnabi ah oo afduub ahaan loo heestay

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmuug ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Sugida maamulkaasi xalay xoog kusoo furteen gabar ajnabi ah oo ay afduub ahaan u heesteen Koox burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada ayaa xalay howlgal qorsheesan ay kusoo furanayeen gabar udhalatay dalka Kenya oo in ka badan sanad afduub loo heestay waxa ay ka fuliyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, ciidamada ayaana u suurto gashay in gabadhaasi ay soo furtaan iyada oo bad qabta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gabadhan Kenyanka ah ee soo furteen ciidamada Nabad Sugida Galmudug la geeyay magaallada Cadaado, waxaana la filayaa in dhawaan saxaafada loo soo bandhigo loona duuliyo dalka Kenya.

Ciidamada Galmudug ayaa sidan oo kale horaantii sanadkan xoog kusoo furtay nin Kenyan ahaa oo lala afduubtay gabadhan xalay ay soo furteen Ciidamada Galmudug, waxaana howlgalkan uu imaanayaa xili Kooxaha Burcad badeeda dhawaan Madxa furasho ku sii daayeen badmaaxiyiin ay mudo heesteen.