Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo booqasha rasmi ah ku jooga Qatar – SAWAIRO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo safar shaqo ku jooga Magaalada Doha ee Dalka Qadar ayaa la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Wadankaasi.

Taliayaha oo ujeedada safarkiisu ahaa sidii loo soo xoojin lahaa xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Labada Dal Somaaliya iyo Qadar, isagoo halkaasi kulamo la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Wadan Qadar.

Taliyaha ayaa Saraakiisha uu la kulmay kala hadlay sidii gacan ballaaran loo siin lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay kulamadooda ku soo dhammaadeen jawi is fahan.xa1xa2xa3xa4