DawIada toobiya oo xabsiga ka sii daysay 2,000 oo qof

Xoogagga ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ilaa iyo 2,000 oo qof oo isbuucyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay ku warantay warbaahinta xiriirka la leh dowladda ee Fana.

Waxaa dadkaasi horay loogu eedeeyey inay ku lug lahaayeen rabshadihii dalkaasi ka dhacay bilooyinkii la soo dhaafay.

Fana oo soo xiganeyso wasiirka difaaca Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa ku warrantay in dadkaasi la sii daayay ka dib markii ay ka waantoobeen khaladaadkii ay ku kaceen.