Dowladda Kenya oo sheegtay in 140 dagaalyahan ka dishay Al-shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidammadooda jooga Jubbada hoose dilleen 140 dagaalyahan oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab kaddib dagaal ka dhacay Jubbada hoose.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamadooda qeybta ka ah AMISOM, kaddib dagaal labada dhinac dhaxmaray, sidda lagu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in iska horimaadkan uu dhacay todobaadkii hore kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhig ay ciidamadooda ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

”Dagaalyahanno gaaraya 500 ayaa weerar ku soo qaaday saldhiga ciidammada ay ku lahaayeen Afmadow, waxaa ay goobta uga tageen 140 ka tirsan xoogaggii weerarka soo qaaday” ayaa laga soo xigtay saraakiisha ciidammada Kenya.

Xoogagga Al-shabaab ayaa ku hubeysnaa gadiid dagaalka oo qaarkood ay gubeen ciidammada Kenya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Kenya.

Ugu danbeyntii, waayadii ugu danbeeyay waxaa sii kordhayay weerarada xarrakada Al-shabaab ay ka geystaan qeybaha kala gadisan ee dalka, gaar ahaan xeryaha ay degan yihiin ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka.