Dawlada Saudiga oo xukun 15 sanoku riday nin lagu eedeeyay inuu daroogada geyo xabsiyada..

Maxkamad ku taala Sacuudi Arabia ayaa ku xukuntay nin 15 sano oo xarig ah iyo 1,500 jeedal for ka dib markii lagu eedeeyay inuu geeyo si sharci dara ah daroogada xabsiga isagoo isticmaalayo isticmaalayo diyaaradaha aan duliyaha laheen ama droneska.

ninka oo u dhashay dalka Lubnaan oo ku noolaa Saudi Arabia ayaa sidoo kale lagu helay danbiga iibinta droneka,sharci daro ah oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, iyo 1,000 jeedal iinta aan la masaafurin markuu dhameesto mudada lagu xukumay.

Baarayaasha ayaa sheegay in uu iibiyey ugu yaraan 13 diyaaradaha droneska lacag gaareesa SR, 5000 (ku dhawaad £ 1,000) mid kasta.

xeer ilaaliyaha guud ayaa hadal ka keenay xukunka isagoo sheegay in xukun aad u dabacsan la siiyay oo ay aheed in lagu xukumo ciqaab dil ah.