Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Kulan Layeeshay Waxgaradka Dhagaxbuur – SAWIRO

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay uhoyday magaalada dhagaxbuur ayaa saaka kulan layeeshay odayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo waxgaradka shacabka dhagaxbuur.

Hadaba,gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa madasha kulankan kusoo dhaweeyay madaxwaynaha. Wuxuuna madaxwaynuhu shacabka dhagaxbuur kalahadlay sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen dhanka beerashada dhulka si waxsoosaarka deegaanka iyo dalkuba sare ugu kaco maadaama ay xukuumadu maaliyad badan galisay dhanka horumarinta waraabka iyadoo udanaynaysa in bulshadu uga faaiidaysato dhanka tabaca beeraha.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa dhibaatada kali ah ee deegaanka maanta kajirta kutilmaamay inay tahay saboolnimo gacan kusamays ah oo uu kadanbeeyo fikirka cidhiidhyan ee mashaqaystenimada maadaama uu deegaankeenu hodan kuyahay labada shay ee dunida ugu qaalisan oo ah dhul dihin oo beerasho kali ah ubaahan iyo biyo. Wuxuuna shacabka kuladardaarmay inay kabaxaan fikirka madhalayska ah ee mashaqaystenimada oo uu shaqsi kasta rag iyo dumar, culimo iyo caamo, ciroole iyo caana-nuugba ay subixii kusoo toosaan shaqo iyo maxaan maanta usoo kordhin karaa deegaanka.

Dhanka kalana, waxgaradka shacabka dhagaxbuur oo kahadlay madasha kulankan ayaa balanqaaday inay hoos ugu foorarsanayaan dhulka islamarkaana ay fikirka mashaqaystenimada ah uga gudbi doonaan shaqayste cad oo lagaga dayan doono.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan oo wali kasocda hoolka shirarka ee magaalada dhagaxbuur ayaa waxaa lagu jiraa hadaladii waxgarad

 

21

3