Dawladda Imaradka Carabta Oo bixisay Lacagtii Ku Baxday Dacwada Difaaca Badda Soomaaliya

Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay shaacisay Dowladii gacanta ka siisay bixinta qarashaadkii faraha badnaa ee ku baxay qareenadii Dowlada Federaalka Soomaaliya u qabsatay difaacida Badda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Dibada ay gacan weyn ka geesatay keenista lacagtii ku baxday qareenadii Dowlada Soomaaliya u qabsatay difaaca kiiska dacwada Badda Soomaaliya ee dhawaan ka dhacday Maxkamada ICJ.

C/salaan Hadliye ayaa cadeeyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay bixisay lacagtii ku baxday qareenadii Soomaaliya ku difaacayay kiiska Badda Soomaaliya, waxa uuna xusay in kiiskaasi ay ku baxday lacag badan uusan sheegin inta ay la egtahay.

”Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lacagta qareenada Soomaaliya difaacayay keentay, waxaa lacagtaasi nasiiyay ugana mahad celineunaa Dowlada Imaaraatka Carabta ”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sidoo kale amaanay Dowlada Imaaraadka Carabta uu sheegay in ay dowlada Soomaaliya wax badan ka caawisay ayna uga mahad celinayaan .