Uhuru Kenyatta oo isagoo dharka ciidanka labisan soo dhoweeyay Boqorka Jordan – SAWIRO

Boqor Cabdalaha labaad ee dalka Jordan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Boqor Cabdalla oo labisnaa dharka ciidankaa ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isna si la mid ah u labisnaa dharka ciidanka.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doona xiriirka ganacsi ee labada dal u dhaxeeya, waxaana wada hadal labo geesood ah oo ay ku yeelan doonaan Aqalka Madaxtooyada kaga hadli doonaan ammaanka iyo Argagixisada.

Boqor Cabdalla iyo Uhuru Kenyatta ayaa ka qeyb geli doona dhoolatus milateri oo si wada jir ah u sameyn doonaan Ciidamada qalabka sida ee Jordan iyo kuwa Kenya.

Booqashada Boqorka Jordan ku yimid Kenya ayaa daba socota booqasho uu Madaxweynaha Kenya bishii Agosto ee sanadkii hore ku tagay dalka Jordan.

 

boqor-jordan boqor-jordan1 boqor-jordan2 boqor-jordan3 boqor-jordan4