Doorashada USA: Kuxigeenka Trump oo ay Diyaarad la dhici gaartay – VIDEO

Ninka u sharaxan Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga Guddoomiyaha gobalka Indiana Mike Pence iyo kooxdii ololihiisa ayaa xalay ka badbaaday shil kadib markii diyaaradii siday ay ka baxday wadada ay kusoo degtay Madaarka magaalada New York ee LaGuardia Airport.

 

Diyaarada ayaa khadka ka baxday markii ay cagaha soo dhigatay Madaarka oo uu xiligaasi ka da’ay roob, diyaarada ayey saarnaayeen in ka badan 50 Rakaab ah oo uu ku jiro Mike Pence iyo xubno kamid ah qoyskiisa.

Dhinaca kale waxaa meel xasaasi ah maraya ololaha doorashada guud ee Maraykanka oo ay ka hartay 11 maalmood oo kaliya, waxayna murashaxiinta xilka u tartamaya ay dar dar geliyeen booqashada gobalada ay sida weyn ugu loolamayaan xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, waxaana weli la saadaalinayaa in dhanka cododka ay ku horeyso Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga ee Mrs.Hillary Clinton.


Horseed Media