Madaxwayne Gaas oo Qardho xariga uga Jaray wado cusub halka mid kale uu dhagax dhigay – SAWIRO

Madaxwaynaha Puntland Dr. C.wali Maxamed Cali Gaas oo Habeenkii Jimcaha ku hoyday degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa saaka kasoo kictimay halkaasi wuxuuna soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Nasasho iyo qado ay ku qaateen Madaxwaynaha iyo wafdigiisa xarunta madaxtooyada magaalada Qardho waxa ay  dhagax dhigeen wado cusub oo laami ah taasoo ah tii 10-aad ee laga hirgaliyo magalaa Qardho halka sidoo kale uu xariga ka jaray mid horay loo dhamaystiray oo dhexmarta xaafada Qoryacad.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo goobta xariga loooga jarayay wada cusub ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in madaxwaynaha Puntland uu kala soo qaybgalo xarig jarka iyo dhagax dhiga wadooyin laami ah oo laga hirgaliyay Magalada Qardho duqa ayaa sheegay wada xariga laga jarayo in cabirkeedu yahay 1 km iyo 200m halka tan la dhagax dhigayna ay tahay 1 km iyo 400 m duqa ayaa sidoo kale xusay wadooyinkan inay qayb ka yihiin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda kuwaaso qayb ka mashaariicda JPLG (Joint Program on Local Government) .

Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Madaxwaynaha safarka ku wehliyay ayaa dhankiisa xusay in Qardho mudooyinkii lasoo dhaafay ay ku talaabsanaysay horumaro kala duwan oo ay kamid yihiin wadoooyinkan cusub ee xariga laga jarayo iyo kuwa la dhagax dhigayo.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa ugu dambayn halkasi ka xusay in Qardho ay kamid tahay magaalooyinka kobaca balaaaran ka sameeyay dhanka wadooyinka iyo dhismayaasha wuxuu kaloo sheegay Mudane gaas inuu xariga ka jarayay marwalba oo Qardho soo gaaro mashaariic horumarineed oo qayb ka ah dadaalada dalka dib loogu dhisayo.

Madaxwayne gaas iyo wafdigiisa ayaa ugu dambayn u ambabaxay caasumada Puntland ee Garowe iyadoona la filayo in Madaxwaynaha uu halkasi ka furo kala fadhiga 38 ee Baarlamaanka Puntland oo dib u dhac ku  yimi xili la filayay in kala fadhiga uu si rasmi ah u furmo 25 kii bishan October.

dsc08918 dsc08924 dsc08926 dsc08928 dsc08931 dsc08934 dsc08939 dsc08944