Dowladda Kenya oo sheegatay in ay dishay 14 kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab

Saraakiisha ciidanka difaaca dalka Kenya, ayaa sheegay in ay dileen 14 kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab, kadib duqeyn ka dhacday koonfurta dalka Soomaaliya.

Warbaahinta K24 TV, ayaa sheegtay in 14-ka dagaalyahanno ee la dilay ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Weerarka waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana duqeynta ay ka dhacday degaanka Abdiore oo 27Km u jira magaalladda Kismaayo.

Al shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa ay isku dayeen in ay weeraraan saldhiga ciidanka dowladda Kenya, balse waxaa ka hortagay ciidanka Kenya, sida uu sheegay TV-gga K24.

Dhinaca kale warbaahinta Tuko, ayaa ku warantay in duqeynta ay dhacay 3-ddii bishan Jun.

Ma jiraan war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacay degaanka Abdiore.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxaana inta badan ay duqeymo la eegtaan saldhigyadda Al Shabaab ay ku leeyihiin degaannada hoos tagay gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale shalay diyaarado dagaal ayaa warqado ku daadiyay magaalladda Jilib oo uu ka taliyo ururka Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Warqadaha la daadiyay ayaa waxa ku qornaa farriin ugu baaqeysa Al-Shabab in ay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, cafiskaa oo ahaa in xubnaha ku jira Al-Shabab in ay kaga soo baxaan ururkaasi muddo 60 maalmood ah.