Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda mintidiinta ah ee Daacish ay ku dileen duqeeyn dhinaca cirka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda mintidiinta ah ee Daacish ay ku dileen duqeeyn dhinaca cirka ah.

War ka soo baxay waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah lagu dilay horjooge ka tirsan Kooxda Daacish. kaasoo magaciisa lagu sheegay Wa’il Adil Hasan Salman al-Fayad waxaana sidoo kale ninkan loo yaqaanay Dr. Wa’il.

Horjoogahan ayaa lagu dilay 7-dii bishan meel ku dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, waxaana dilkiisa loo adeegsaday duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ah..

Sidoo kale horjoogahan ayaa kooxda Daacish u qaabilsanaa ahaa dhinaca Warfaafinta, waxaa kaloo uu isku duba ridi jiray muuqaallada ay ku soo bandhigi jireen dilalka.

Horjoogahan la dilay ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa Abuu Mohamed Al-Adnani oo bishii la soo dhaafay isna lagu dilay duqeyn cirka ah.

Mareykanka ayaa sheegay in dilalka noocan ah ee loagu qaaarijinayo horjoogayaasha kooxda uu sii wiiqi doono  dagaallada ay kooxdan ka waddo Ciraaq iyo Suuriya