
Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo cod u qaaday goor dhow halka ay noqoneyso xarunta maamul goboleedka labada gobol ayaa u codeeyay in magaalo madaxda ay noqoto Jowhar.
Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.
Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH, waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda.
Inta badan ergooyinka ka qeyb galayay shirka ayaa waxay u codeeyeen in Caasimada maamulka ay noqoto magaalada Jowhar,
Hase yeeshee intii aanu shirkan furmin dhamaadkii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buulo Burte, halka madasha shirkana laga dhigay magaalada Jowhar.
Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne, hase ahaatee waxaa arrintan wax ka bedeli doontaa qaabkii awood qeybsiga maamulka oo markii hore la filayay in Madaxweynaha la dooran doono uu ka yimaado Hiiraan.
Madaxweynaha la dooran doono ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wadaa inuu ka yimaado Gobolka Hiiraan, maadaama Shabeellaha Dhexe ay qaateen Caasimada maamulka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku qanciyay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe inay sameeyaan tanaasulaad ku aadan Madaxweynaha, si Gobolka Hiiraan loo siiyo, balse tani ayaa noqon mid ay ku qancaan Odayaasha uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ee fadhigoodu yahay Beledweyn, kuwaasoo qorsheynaya inay dhistaan maamul goboleed gaar ah.
Ka dhigista magaalada Jowhar ee caasimada labada gobol ayaa waxaa dadka qaarkii ay u arkaan mid sii fogeynaysa duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka hiiraan oo markii hore diidanaa shirka Jowhar iyo in Hiiraan lagu daro Shabeellaha Dhexe.
Kulanka Ergada ay ku yeelanayaan magaalada Jowhar ayaa loo diiday saxaafada madaxa banaan inay ka qeybgasho marka laga reebo idaacada iyo taleefishinka qaranka.