guuleysatay kuraasta Aqalka Hoose ee Doorashada Garowe

Akhriso:Magacyada Lix Xildhibaan oo ku guuleysatay kuraasta Aqalka Hoose ee Doorashada Garowe

Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota magaalada Garowe ayaa lagu doortay lix xildhibaan oo 2 kamid ah ay ahaayeen dumar. Xildhibaanadan ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan beelo kala duwan.

Xildhibaanada guuleystey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowlada Federalka iyo Xildhibaano hore ugaga mid ahaa baarlamaanka iyo qaa rkale oo cusub.

Akhriso Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan xildhibaanada maanta guuleystey;
1.Siciid Xuseen Ciid oo ka soo jeeda Beesha Carab Saalax.

2.Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka soo jeeda Beesha Laylkase.

3. Burhaan Aadan Cumar oo ka soo jeeda Beesha Awrtable.

4. Jaabir Maxamed Cabdi oo ka soo jeeda Beesha Awrtable.

5. Siciido Maxamed Xasan oo ka soo jeeda Beesha Laylkase.

6. Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo ka soo jeeda Beesha Awrtable.

5i2a9233 5i2a9251 jail sakariye