Ilhan Cumar oo la filayo inay ku guulaysato xidhibanada aqalka wakiilada gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka -DHEGEYSO

lhan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah ayaa 8 maalin kadib qarka u saraan in ay noqoto gabadhi ugu horreysay oo Muslim, muhaajir Mareykan ah oo noqota xildhibaan.

22 sano ka hor Ilhan Omar oo ah gabar ku dhalatay dalka Soomaaliya balse hadda heysato dhalashada Mareykanka, waxay ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Hadda waxay indhaheedu hayaan oo ay qarka u saarantahay in ay ka mid noqoto xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee Gobolka , kadib marki ay guul weyn kasoo hoysay ololihii doorashooyinki horudhaca ahaa ee sanadkaan.