Kenya oo Lagu Eedeeyey Hablo ay Toogteen booliskii Kenya ee magaalada Mombaasa – DHEGEYSI

Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa su’aalo ka keenay toogasho ay boolisku ku dileen saddex gabdhood horraantii bishii September, saldhig boolis oo ku yaala magaalada Mombasa.

Boolisku waxay sheegeen in Gabdhahaasi ay ka tirsanaayeen Ururka ISIS, isla markaana ay weerar ku qaadeen saldhigaas. Laakiin Ururada Xuquuqda Aadanaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu qarinayay gabood fallada ay boolisku geystaan.