Shirkadda Samsung oo dib u bilowday iibinta telefoonka Galaxy Note 7

Shirkadda Samsung ayaa dib u bilowday in suuqyada dalka Kuuriyada Koonfureed ku iibiso telefoonka Galaxy Note-Seven, bil ka dib markii ay iibintiisa joojisay, xilligaasi oo dad adeegsaday ay sheegeen in uu ku qarxay.

Shirkadda ayaa sheegtay in cillad dhanka bateriga ah ay dhalisay qaraxaasi.

Ku dhawaad laba milyan iyo bar telefoonnada noocaasi ah ayaa laga soo celiyay suuqyada caalamka, waxaana Samsung ay hadda ku bedelaysaa kuwo bateri wanaagsan leh.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa ku wargeliyay rakaabkooda, in aanay gudaha diyaaradaha ku dhex daarin telefoonka Galaxy Note-Seven.

Waxaa jira telefoonno noocaasi ah oo weli ayagoo cilladeysan ay dadku wataan, sidaa awgeedna ma cadda goorta ay diyaaradaha qaadi doonaan xannibaada ay saareen Galaxy Note-Seven.