Madaxweynaha Jabuuti oo la siyay Abaalmarin Caalami ah.

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.